Hay’adda socdaalka Dowlada Somaaliaya Oo sheegtay in dib loo bilaabayo bixinta Basaboorka Somaaliga

Ka dib markii maalmihii alsoo dhaafay uu hakad ku yimid qaadashada Baasaboorka Soomaaliga ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay faahfaahin ka bixisay xilliga sidda rasmiga ah ay dib loogu bilaabi doono bixinta Baasaboorka Soomaaliga.

Mas’uuliyiinta Hay’adda socdaalka waxa ay sheegeen  in ay aad uga xun yihiin mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixiyay, waxaana ay sheegeen in dhammaan xarumaha bixinta baasaboorada ee dalka ku kala yaal ay howlgali doonaan.

War ka soo baxay Hay’adan ayaa lagu sheegay in maalmahii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’.

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin.