Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo daahfurtay tababar ku saabsan nidaamka casriga ah ee PISCES 10

Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Sheekh, ayaa daahfuray tababar soconaya muddo hal toddobaad ah oo ku saabsan adeegsiga nidaamka casriga ah ee PISCES 10, kaas oo loogu talagalay horumarinta awoodda maamulka socdaalka iyo xoojinta sugidda amniga xuduudaha dalka.

Munaasabadda furitaanka tababarka ayaa Agaasime Ku-xigeenka Guud ku sheegay in casriyeynta nidaamyada maamulka socdaalku ay tahay tiir muhiim u ah xoojinta amniga qaranka, ilaalinta xuduudaha iyo sare u qaadidda hufnaanta adeegyada socdaalka. Wuxuu xusay in tababarkani uu kordhin doono aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha ka shaqeysa socdaalka, si ay si hufan ugu adeegsadaan teknoolojiyadda casriga ah ee lagu maareeyo socdaalka iyo xaqiijinta aqoonsiga dadka ka gudbaya xuduudaha dalka.

Nidaamka PISCES 10 ayaa ah nidaam casri ah oo loogu talagalay maamulka iyo la socodka isu socodka dadka ee xuduudaha. Waxa uu awood u leeyahay diiwaangelinta iyo maamulka xogta dadka safarka ah, baaritaanka baasaboorrada, fiisooyinka iyo kaararka aqoonsiga, xaqiijinta dukumentiyada elektaroonigga ah (e-Chip), ogaanshaha wax-ka-beddelka dukumentiyada, iyo fulinta baaritaanno horumarsan (Advanced Screening) iyo falanqaynta xogta (Data Analytics).

Sidoo kale, nidaamkan wuxuu si toos ah ula shaqeyn karaa keyd xogeedyo iyo nidaamyo caalami ah oo ay ka mid yihiin INTERPOL I-24/7, API/PNR, ATS-G, UN goTravel, iyo IOM MIDAS, taas oo sare u qaadaysa awoodda dowladda ee isdhaafsiga xogta, baaritaanka dadka safarka ah iyo ka hortagga dambiyada ka gudba xuduudaha.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu casriyeynayo hay’adaha amniga iyo socdaalka, si loo dhiso nidaam xuduudeed oo hufan, ammaan ah, isla markaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah ee maamulka socdaalka iyo sugidda amniga qaranka.