Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku wareejisay nuqullada baasaboorka cusub ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa maanta Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ku wareejiyey nuqullada tusaalaha ah ee baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Wareejintan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga lagu doonayo in dalalka caalamka iyo hay’adaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la gaarsiiyo xogta ku saabsan baasaboorka cusub, kaas oo lagu sameeyey casriyeyn la xiriirta dukumentiyada safarka ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sida qorshuhu yahay, wajiga koowaad waxaa safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee ku kala yaalla dalalka caalamka la gaarsiin doonaa 80 buug oo baasaboorka cusub ah, halka tirada guud ee la qorsheeyey in la qaybiyo ay gaareyso 200 oo buug.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta gaarsiinta baasaboorka cusub safaaradaha Soomaaliya iyo dowladaha shisheeye, si ay u helaan xogta iyo tusaalooyinka dukumentiga cusub, una bartaan isbeddellada iyo casriyeynta lagu sameeyey.

Tallaabadan ayaa muhiim u ah wargelinta dowladaha kale iyo hay’adaha ay khuseyso arrimaha socdaalka, ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin bixinta baasaboorka cusub ee Soomaaliya.

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee lagu casriyeynayo dukumentiyada safarka, laguna horumarinayo adeegyada la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda, iyadoo la doonayo in isbeddellada lagu sameeyey baasaboorka cusub ay si habsami leh ula jaanqaadaan nidaamyada ay adeegsadaan dalalka caalamka.