Hay’adda Socdaalka oo Xafiis ka furatay degmada Balanbal

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda ayaa xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furtay Magaalada Balanbal ee Maamulka Galmudug.

Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka degaanka iyo sarakiil ka socotay Hay’adda Socdaalka.

Waxaa ay dhamaantood sheegeen in baahi weyn loo qabay howlaha ay qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.

Hay’adda socdaalka Jinsiyaddaha Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ballaarisay shaqadda ay heyso bulshadda Soomaaliyeed, waxaana Xafiisyo loogu adeego bulshadda ay ka furatay meel badan oo ka mid ah Soomaaliya.