Hay’adda SODMA oo Gaadiid Gargaar wada u dirtay.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa gargaar bani aadamnimo oo gaaray 116.5 oo tan waxa ay u dirtay Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Magaalooyinka Ceeldheer & Masagawaa ee Gobolka Galgalgaduud.

Gaadiid gaaraya 9 Gaari oo nooca dhexe ee xamuulka qaada ah ayaa lagu raray gargaarkaan bani aadamnimo si loogu gaarsiiyo Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug oo wakiilo usoo dirtay Magaalada Muqdisho.

Kaalmadaan waxa ay qayb ka ahayd gargaar bani aadamnimo oo Soomaaliya loogu deeqay si ay ugu maarayso xaaladda El-Nino ee ah Daadadka, Fatahaadda & Roobabka xooggan ee mahiigaanka ah ee saamaynta taban dhalin kara.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SODMA ayaa sheegtay in ay gargaar u dirtay Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed, Hir-Shabeelle, Galmudug, Gobolka Banaadir oo dad barakacayaal ah wax lagu siiyay & Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Madaxda sare ee Hay’adda SoDMA ayaa tilmaamay in dedaal xooggan ay geliyeen gurmad gaarsiinta dadka ku dhibaataysan Gobollada Dalka maadaama ay kaalmooyin ilaa xad ku filan ay ka heleen Dowlado iyo Hay’ado kala duwan.

Roobka Guga ayaa ka curtay Gobollada Dalka waxaana Dadka degen meelaha ay ka dhici karaan fatahaadaha looga digay in ay ka fogaadaan si ay uga badbaadaan halista ay la kulmi karaan sida lagu sheegay Digniinta Hay’adda SoDMA ee Bulshada la gaarsiiyay.