Hay’adda SODMA oo ka digtay Daadadka Roobka Guga & Fatahaadda Webiyada.

ay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa digniin ay soosaartay waxa ay ku muujisay halista ka dhalan karta daadadka roobka guga iyo fatahaadda webiyada Dalka mara inta u dhaxaysa 7da May 2024 ilaa 16ka Bishaan.

SODMA ayaa Dadka degen deegaannada ugu badan ee halista nafeed ama khasaaraha ka dhalan kara gaarsiisay in ay ka feejignaadaan isla markaana ay ka fogaadaan meelaha biyo-mareennada ah, togagga & dhulka u dhow Webiyada.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA ayaa dhowaan billowday gurmad gaarsiinta Dadka ku dhibaataysan gobollada dalka iyo dedaallada looga hortagayo halista ka dhalan karta haddii daadadku iyo fatahaaduhu kordhaan.