Hay’adda SODMA oo Qoysas Danyar ah Muqdisho ugu qaybisay Gargaar…

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa 300 oo Qoys u qaybisay Gargaar ay ugu talagashay ugu qaybisay Degmada Xamarjajab ee Gobolka Banaadir, waxa ay Dadkaan isugu jireen Dad danyar ah & kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

Gargaarkaan waa uu ka duwanaa kaalmooyinkii horay Hay’addu u gaarsiisay deegaanno kala duwan oo Gobollada Dalka waayo waxa si gaar ah uga dardaarantay AHUN Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirkii Haweenka & Horumarinta Xuquuqul-insaanka Soomaaliya ee dhowaan geeriyootay.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA, Maamulka Degmada Xamarjajab & kormeerayaal kale ayaa goobjoog ka ahaa qaybtinta Gargaarkaan Bani aadamnimo ee la siiyay qoysaskaan dantayar.

Agaasimaha waaxda dabagalka & Qiimaynta Hay’adda SODMA Cabdisalaan Cumar ayaa Sheegay in deeqdaan la gaarsiiyay dadkii loogu talagalay maalin kahor lagu wareejiyay guddigii ay dhistay Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye ee lagu magacaabo ‘Hooyo Badbaadi Hal Qoys’.

Cabdisalaan ayaa sheegay in ay ku dedaalayaan sidii loo fulin lahaa dardaarankii ay uga tagtay AHUN Khadiija Maxamed Diiriye si kaalmadaan Dad mudan ee aanay weli la gaarsiin loo qaybin doonno maalmaha soo socda waa sida uu hadalka u dhigay.

Jawaahir Baarqab & Aamina Kayf oo kamid ah Xubnaha Guddiga ayaa Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA uga mahadceliyay in gargaarkaan la gaarsiiyo Dadka gaaraya 300 oo Qoys oo u badan Dadka Baahiyaha gaarka ah qaba.