Heshiis hordhac oo laga gaaray laba maleeshiya beeleed oo ku dagaalamay Deegaan lagu Magacaabo Afar-irdood oo 40KM kaga beegan Waqooyi-Galbeed D/Matabaan ee G/Hiiraan.

Deegaanka Afar-irdood oo qiyaastii 40KM kaga began Waqooyi-Galbeed ee D/Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo ay maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen, Laba maleeshiyo beeleed ayaa lagu guuleystay in laga gaaro Heshiis hor dhac ah, oo xabad joojin ah iyo in la kala qaado Ciidamada labada maleeshiya beelleed.

Dib u heshiisiintaan labadaan Beelood ee Walaalaha ah, waxaa Garwadeen ka haa, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Maamulka Degmada, Matabaan, waxaa kasoo qeyb galay Nabadoonada iyo Dhaqanka labada Beelood ee kala ah Cali madaxweyne (Xawaadle Sama-talis) iyo Cayr Max,ed (Habargidir).

Dhanka kale Amniga guud ee Deegaanka lagu dagaalamay iyo dhaqangalinta Xabad joojinta waxaa kol hore gaaray oo la wareegay Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, sida Qeybaha 21-aad iyo 27-aad.

Heshiiska Hor-dhaca ah oo ay wada haxiixeen labada Beelood ayaa ah:-

1-  In labada Boolood Aqbalaan oo saxiixaan Xabad joojin shuruud la,aan ah.

2- In la kala qaado, Ciidamada labada maleeshiya beelood ee isku hor fadhiya goobihii ay ku dagaalameen.

3- In Amniga iyo dhaqangal Heshiiska Xabad joojinta, oo ay beeluhu ogolaadeen, Masuuliyadeedu ay la warteegeen, Talisyada Qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

4- In shirweyne Dib u heshiisiin oo rasmi ah, oo labada beelood ay u dhanyihhin, la iskugu yimaado Afar maalin kadib, oo ku began Maalinta Jimcaha oo ku taariikheysan 05/05/2023.