heshiis laga gaaray beelo walaalo ah oo ku dagalamay Gobolka Mudug

Gudoomiyaha Gobalka Mudug Faysal Sheikh Cali iyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa maanta Shir-Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen Gudiyada Amniga Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.

Kulanka maanta ayaa daba socday kulamo lagu xalinayay Colaado iyo dirir Dad Soomaaliyeed ku dhinteen kuwaas oo dhax martay beelo walaalo ah oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iyadoona kulan kan uu ka dhacay Hotel Five-Star ee Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda Maamulka Gobalka Mudug iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga Iyo odayaasha Dhaqanka ayaa heshiis looga gaaray dhibaatooyinkii iyo dilalkii ka dhashay Colaada ka dhex socatay beela Walaalaa iyadoona heshiis lagu kala saxiixday isla Madasha oo ay fadhiyeen Nabadoonada iyo Odoyaasha labada Beelood.

Heshiiska Maanta ayaa noqanayaa kii 4aad ee lagu guulaystay tan iyo Markii lasoo magacaabay Maamulka Gobalka Mudug ee uu Hogaanka ka yahay Mudane Faysal Sheikh Cali mana jirto dhacda aan heshiisiinteeda lagu guulaystay(Alxamdulilah) intii uu hogaanka Gobalka Mudug hayay Mudane Faysal Sheikh Cali.

.