Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.