Hey’ada Nisa Oo Soo bandhigtay Magaca Sargaal Ka Soo Gostay Al-Shabaab

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya sidda ay shaacisay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Mukhtar Mohamed Abdi waxaana uu ku magac dheer yahay (Mukhtaar Ganeey) waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibayey in uu lasoo xariiray Hay’adda NISA.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nisa ay u sahashay in uu isa soo dhiibo, islamarkaana uu kasoo goosto Al-Shabaab.

View image on Twitter

NISA@HSNQ_NISA

Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa.

49 people are talking about t