Hey’addaha Amniga Oo Bayaan Ka Soo Saaray Sugida Amniga Ee Kulanka Golaha Shacabka

Hay’addaha Amniga Soomaaliya ayaa soo saaray baaq ku aadan sugida amniga xili Maanta uu furmayo kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo Xildhibaanada ay kala wataan laba Ajende oo iska soo horjeeda.

War qoaral ah oo ay Siwadajir ah u soo saareen Talisyada, Booliska,Nabadsugida,Asluubta iyo xoogga dalka ayaa waxaa loogu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay ciidamada kala Shaqeeyaan sidii amniga loo xaqiijin lahaa iyo kala sareynta Sharciga.

War-saxaafadeedkaan ayaa ku soo aadaya xili ciidamada Amniga Soomaaliya ay inta badan Maanta xireyn Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah