Hir-Shabeelle oo Wafdi u diray degaano lagu dagaalamay

Wafdi ka kooban Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle, Masuuliyiinta Maamulka Heer Gobol iyo mid Degmo ee Gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka sida,isla markaana uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Hir-Shabeelle Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Cadow ayaa maanta Gaaray Degmada Feer feer oo ku taalla Xadka uu gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya.

Wafdigaan ayaa waxDowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Lataliyaha dhanka Amaanka Madaxweynaha Dowlad Degaanka Somaalida Hoggaan ku xigeynka Nabad Galayada Is Maamulka Somaalida Ethiopia xil dhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad degaanka Somaalida, Odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala Duwan ee Bulshada Degmada feer feer.

U jeedka wafdiga ee Magaalada Feerfeer ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi uga qeyb-geli doonaan wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta laba beelood oo dhawaan ku dagaalamay degaan hoostaga degmada feerfeer.