Hirshabelle iyo dowlada Oo ka shiraya Fatahaadaha

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa inay kulan Magaalada jowhar ee Caasimadda hir-Shabeelle ku yeeshaan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Hir-Shabeelle ee xalay lagu dhawaaqay.

Xubnaah guddiga farsamada iyo dhismaah Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqista kaddib waxaa ay xildhibaannada ugu baaqeen inay isugu yimaadaana Maanta kulan deg deg ah.

Kulanka ayaa waxaa uu yahay mid isbarasho ah maadaama ay jiraan Xildhibaano ku cusub Baarlamaanka sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Xildhibaannada la dhaarin doono.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in haatan uu socdo diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan qabsoomida kulanka ay yeelanayaan Xildhibaannada Cusub ee Hir-Shabeelle.