Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah Koonfur Galbeed oo maanta magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Tom Fletcher, oo booqasho rasmi ah ku yimid xarunta gobolka Baay.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha soo noqnoqday, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed. Labada dhinac ayaa isla qaatay in xaaladaha bani’aadannimo ee jira ay u baahan yihiin dadaal mideysan iyo taageero joogto ah.

Hogaamiyaha Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in hay’adaha Qaramada Midoobay ay laf-dhabar u yihiin gurmadka bani’aadannimo ee ka socda dalka. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah, gaar ahaan xilliyada abaaraha iyo fatahaadaha, iyo in la dardargeliyo mashaariic horumarineed oo waarta si loo yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka degdegga ah.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay inay si dhow ula shaqeyso Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo in gargaarku gaaro dadka ugu nugul, gaar ahaan haweenka, carruurta, iyo dadka barakacay ee ku sugan xeryaha ku meel gaarka ah.

Dhankiisa, Tom Fletcher ayaa adkeeyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku jira xaaladaha adag. Wuxuu sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallo lagu qiimeynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha, colaadaha, iyo barakaca.

Tom Fletcher ayaa sidoo kale xusay in Qaramada Midoobay ay sii xoojin doonto wada-shaqeynta ay la leedahay dowladaha hoose iyo kuwa federaalka, si loo helo xalal waara oo wax ka qabta sababaha asaasiga ah ee dhibaatooyinka bani’aadannimo. Wuxuu carrabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay isku xirka gurmadka degdegga ah iyo mashaariicda horumarineed, si bulshada ay uga gudubto xaaladaha nuglaanta.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, iyadoo la kordhinayo dadaallada lagu taageerayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha, loona gudbo xalal waara oo kor u qaadaya nolosha shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.