Hoggaamiyaha cusub ee Maamulka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyada Maamulka Galmudug, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeybgalay Hoggaamiye Ku-xigeenkii hore ee Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, Hoggaamiye Ku-xigeenka cusub ee maamulka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Galmudug, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug iyo marti-sharaf kale.
Munaasabadda ayaa si rasmi ah u asteysay billowga gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Hoggaamiyaha cusub, kaas oo hadda la wareegay mas’uuliyadda maamulka iyo hoggaaminta hay’adaha kala duwan ee Galmudug.
Intii ay munaasabadda xil-wareejintu socotay, waxaa la muujiyey muhiimadda ay leedahay in si habsami leh loo kala wareejiyo mas’uuliyadaha hoggaanka, lana ilaaliyo sii socoshada howlaha maamulka iyo adeegyada ay hay’adaha Galmudug u hayaan bulshada.
Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa wajahaya mas’uuliyad la xiriirta hoggaaminta maamulka, xoojinta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay’adaha maamulka iyo dardargelinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, waxaa laga sugayaa maamulka cusub inuu ka shaqeeyo hirgelinta qorshayaashii uu soo bandhigay intii lagu jiray ololihii doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin sugidda amniga, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo kobcinta dhaqaalaha deegaannada Galmudug.
La wareegista Xafiiska Madaxtooyada ayaa daba socota doorashadii lagu doortay Liibaan Axmed Xasan iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), waxaana tallaabadani si rasmi ah u billowday marxalad cusub oo hoggaamineed oo maamulka Galmudug ah.