Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo calan-saar ah oo lagu maamuusayay 66-guurada ka soo wareegtay maalintii ay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, 26-kii Juun 1960, taas oo astaan u ah billowgii gobannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda, oo ay ka soo qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada qalabka sida, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu muujiyay qiimaha taariikhiga ah ee maalintan ku leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.
Intii ay socotay munaasabadda ayaa cutubyo ka tirsan Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay si rasmi ah u taageen Calanka Buluugga ah ee Soomaaliya, kaas oo astaan u ah gobannimada, wadajirka iyo himilada shacabka Soomaaliyeed. Taagista calanka ayaa qeyb ka ah munaasabadaha qaran ee sannad kasta lagu xuso maalmaha xorriyadda Soomaaliya, iyadoo lagu maamuuso halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda iyo madax-bannaanida dalka.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Laftagareen), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun, isaga oo sheegay in maalintani ay xambaarsan tahay casharro ku saabsan halgan, naf-hurnimo iyo midnimo, isla markaana ay tahay maalin lagu xasuusto geesiyaashii Soomaaliyeed ee naftooda u huray sidii dalku u heli lahaa xorriyad iyo dowlad madax-bannaan.
Waxa uu tilmaamay in jiilka maanta saaran ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta guulihii ay soo hooyeen halgamayaashii xorriyadda, isagoo adkeeyay in horumarka dalka lagu gaari karo oo keliya nabad, wadajir iyo iskaashi dhex mara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan midnimada, nabadda, is-wadajirka iyo taageerada ay u hayaan hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo himilada Soomaaliya nabdoon, horumarsan, mideysan oo awood u leh inay gaarto yoolalka horumarineed ee ay hiigsanayso.