Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Duqa Muqdisho

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, kaas oo halkaasi u tegay ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda ee magaalada Dhuusamareeb u tegaya ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Soo dhaweynta ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Hoggaamiye Liibaan iyo mas’uuliyiin kale ay halkaasi ku qaabileen Duqa Muqdisho iyo wafdigiisa.

Imaanshaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah madaxda iyo marti sharafta kala duwan ee maalmahan soo gaarayay Dhuusamareeb, kuwaas oo ka qeybgalaya munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.

Munaasabadda caleema-saarka ayaa la qorsheeyay inay maalinta berri ah ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin heer federaal ah, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan, madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo ka kala imaanaya gudaha dalka iyo dibaddiisa.