Hoggaamiyaha cusub ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay mas’uuliyiin, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, culimada iyo waxgaradka beesha Saruur, kaas oo qayb ka ah qorshaha la-tashiyada uu Hoggaanka cusub ku doonayo inuu ku dhageysto aragtiyada iyo talooyinka bulshada ku dhaqan deegaanada Galmudug.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Galmudug, baahiyaha bulshada, mudnaanta waxqabadka maamulka cusub iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa Hoggaanka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa kulanka ka dhageystay talooyinka, aragtiyaha iyo baahiyaha ay soo bandhigeen culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beesha Saruur. Waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha nabadda, amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee muhiimka u ah dadka ku nool deegaanada Galmudug.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wadajirka bulshada, iskaashiga maamulka iyo dadka deegaanka, iyadoo la isla qaatay in wada-tashiyada noocan oo kale ah ay door muhiim ah ka qaadan karaan sidii loo heli lahaa qorshayaal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo caqabadaha jira.
Dhanka amniga, kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira gacanta Kooxda AS, si shacabka ku nool deegaannadaas ay u helaan nabad, amni iyo fursado ay dib ugu dhistaan noloshooda. Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday baahida loo qabo in bulshada iyo maamulka ay iska kaashadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida guud.
Hoggaamiyaha cusub ayaa dhankiisa muujiyay sida ay uga go’an tahay in maamulka uu la yimaado hannaan wada-tashi iyo wadashaqeyn ku dhisan, isaga oo muhiimad gaar ah siinaya in codka bulshada la maqlo, talooyinkoodana lagu saleeyo qorshayaasha iyo mudnaanta waxqabadka maamulka cusub.
Ugu dambeyn, Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa uga mahadceliyay haldoorka beesha Saruur taageeradii ay la garab istaageen intii lagu jiray doorashadii hoggaanka cusub ee Galmudug, iyo garab istaaggii ay muujiyeen intii lagu guda jiray munaasabaddii ballaarneyd ee caleema-saarka Hoggaanka cusub.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo wada-tashi oo Hoggaanka cusub ee Galmudug la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay dhageysiga talooyinka bulshada iyo xoojinta xiriirka maamulka iyo dadka uu hoggaamiyo.