Hoggaamiyaha Galmudug oo ka qayb galay dhaarinta Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa ka qayb galay munaasabadda dhaarinta Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kuwaas oo loo igmaday xilal muhiim ah oo ka tirsan hay’adaha caddaaladda maamulka.

Munaasabadda oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Hoggaamiye Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Xuseen Maxamed Nuur, iyo Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Caddaaladda, ayaa mas’uuliyiinta cusub lagu mariyey dhaarta dastuuriga ah, iyaga oo ballanqaaday gudashada waajibaadka iyo masuuliyadaha ka saaran xilalka loo igmaday.

Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay in ay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, iyaga oo mudnaanta siinaya ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta caddaaladda.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay hay’adaha caddaaladdu u leeyihiin dhismaha dowladnimada, ilaalinta kala dambeynta iyo xoojinta sarreynta sharciga, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay in hay’adahaasi si madax-bannaan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka ay u gutaan waajibaadkooda.

Munaasabaddan ayaa qayb ka ah dhismaha iyo tayaynta hay’adaha caddaaladda Galmudug, si loo xoojiyo hannaanka garsoorka, sharciga iyo maamulka wanaagsan.