Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Safiirka Dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Charles King, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, iyo sidii loo sii horumarin lahaa taageerada Dowladda Britain ay siiso Galmudug.
Danjiraha Dowladda Britain ayaa Hoggaamiyaha ugu hambalyeeyay doorashadii nabdoonayd ee dhowaan ka qabsoontay Galmudug, taas oo horseedday in maamulka uu yeesho hoggaan cusub. Waxa uu sidoo kale u rajeeyay Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan inuu ku guuleysto masuuliyadda loo doortay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu horumarinayo amniga, dowlad-dhiska iyo adeegyada bulshada.
Safiirka ayaa intii uu wadahadalku socday soo bandhigay taageerada Dowladda Britain ee arrimaha mudnaanta u leh Galmudug, gaar ahaan xoojinta amniga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida Dowladda Britain ay u danaynayso in ay sii waddo iskaashiga ay la leedahay maamulka Galmudug, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida.
Dhankiisa, Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa Dowladda Britain uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug, isaga oo xusay kaalinta ay dowladdaasi ku leedahay taageeridda dadaallada dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha maamulka.
Hoggaamiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, isaga oo tilmaamay in taageerada caalamiga ah ay muhiim u tahay qorshayaasha maamulka cusub, kuwaas oo diiradda saaraya sugidda amniga, dhismaha hay’adaha dowliga ah, tayeynta maamulka iyo horumarinta adeegyada ay bulshada Galmudug u baahan tahay.
Sidoo kale, Hoggaamiye Liibaan ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, si loo helo maamul awood u leh inuu si hufan uga jawaabo baahiyaha shacabka, una fuliyo qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Galmudug.
Wadahadalkan ayaa imanaya xilli Hoggaanka cusub ee Galmudug uu bilaabay dadaallo la xiriira xoojinta xiriirka uu la leeyahay saaxiibbada caalamiga ah iyo hay’adaha taageera Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la helo iskaashi iyo taageero wax ku ool ah oo gacan ka geysta horumarinta amniga, dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee deegaanada Galmudug.