Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda Beesha Caalamka, kuwaas oo magaalada u yimid ka qaybgalka munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Maamulka Hirshabeelle.
Wafdiga ka socda Beesha Caalamka ayaa magaalada Jowhar soo gaaray xilli ay halkaasi ka socoto qabanqaabada munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdifataax Xasan Afrax, oo dhawaan loo doortay hoggaanka maamulkaas.
Hoggaamiye Cali Guudlaawe ayaa wafdiga kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, iyadoo booqashadoodu ay qayb ka tahay ka qaybgalka munaasabadda oo ay isugu imaanayaan mas’uuliyiin heer federaal iyo heer maamul, wakiillo ka socda beesha caalamka, xildhibaano, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Imaanshaha wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Jowhar maalmihii u dambeeyey gaarayeen wafdiyo kala duwan oo ka kala socda hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka, kuwaas oo dhammaantood ka qaybgalaya munaasabadda caleema-saarka.
Beesha Caalamka ayaa ka mid ah dhinacyada xiriirka iyo wada-shaqeynta la leh hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka, waxaana ka qaybgalka munaasabaddan uu fursad u yahay inay goobjoog ka noqdaan munaasabadda lagu caleema-saarayo hoggaanka cusub ee Hirshabeelle.
Dhanka kale, magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socda diyaar-garow ballaaran oo ku aaddan munaasabadda, iyadoo la diyaarinayo goobaha lagu qabanayo xafladda iyo soo dhoweynta madaxda iyo martida kala duwan ee ka qaybgalaysa.
Munaasabadda caleema-saarka ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha maamullada dalka, xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka, mas’uuliyiin ka socda Beesha Caalamka, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Caleema-saarka hoggaanka cusub ayaa noqonaya munaasabad ay magaalada Jowhar ku kulmayaan mas’uuliyiin badan oo gudaha iyo dibadda ka yimid, iyadoo indhaha lagu hayo marxaladda cusub ee hoggaamineed ee Maamulka Hirshabeelle iyo qorshayaasha maamulka ee muddada soo socota.