Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed Oo Gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga hoggaamiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda, siyaasiyiin deegaanka ah, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Soo dhoweynta ayaa muujineysay taageerada iyo rajada laga qabo in maamulka cusub uu horseedo isbeddel muuqda oo dhinaca siyaasadda iyo horumarka ah.

Socdaalka hoggaamiyaha KMG ah ayaa la xiriira dadaallada lagu dhammeystirayo qorshaha dhisidda nidaam maamul oo waafaqsan rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed. Qorshahan oo ay horey u ballan qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta hay’adaha dowliga ah, dib-u-habeynta maamulka iyo kor u qaadista adeegyada bulshada.

Inta uu joogo Baydhabo, hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ururrada bulshada rayidka ah, si loo dhageysto aragtidooda loona mideeyo dadaallada lagu dhisayo maamul hufan oo ka turjumaya rabitaanka shacabka.

Socdaalkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, maadaama uu qeyb ka yahay geeddi-socodka lagu xaqiijinayo maamul dhameystiran oo leh sharciyad iyo taageero bulsho.