Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa si rasmi ah u magacaabay G/le Maxamed Xasan Aadan in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay dadaallada lagu xoojinayo hannaanka amniga iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga ee maamulka, si kor loogu qaado sugidda xasilloonida iyo kala dambeynta deegaanada Koonfur Galbeed.
War kasoo baxay xafiiska hoggaamiyaha ayaa lagu sheegay in Taliyaha cusub laga sugayo inuu dardargeliyo howlaha Ciidanka Birmadka, isla markaana uu ka shaqeeyo ilaalinta amniga shacabka iyo ka hortagga falalka amni-darro ee ka dhaca deegaanada maamulka.
Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo bulshada, si loo helo amni waara iyo kalsooni dhexmarta shacabka iyo hay’adaha amniga.
Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Taliyaha cusub ku boorriyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa, isla markaana uu mudnaan siiyo sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Magacaabistan ayaa la tilmaamay in ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka ee lagu xoojinayo hay’adaha amniga iyo horumarinta adeegyada dowladnimada.