Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqday Ciidamada ku Sugan Furimaha Dagaalka Baydhabo

Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Qalabka Sida iyo Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed ee ku sugan furimaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo, xarunta Gobolka Baay.

Hoggaamiyaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada u kuurgalay xaaladda ciidamada, howlaha ay hayaan iyo dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. Waxa uu sidoo kale ciidamada ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni ee furimaha, dhaq-dhaqaaqyada jira iyo howlaha socda ee lagu xaqiijinayo nabadgelyada shacabka.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidamada ugu hambalyeeyey guusha iyo geesinimada ay muujiyeen, gaar ahaan iska caabintii ay kala hortageen weerarkii Khawaarijta ay maalmo ka hor kusoo qaadeen magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida iyo ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ku ammaanay geesinimada, dulqaadka iyo dadaalka ay ku bixinayaan difaaca shacabka iyo ilaalinta amniga magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay yihiin laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida, isla markaana Maamulka Koonfur Galbeed uu muhiimad gaar ah siinayo tayeynta, taageeridda iyo daryeelka ciidamada ku sugan furimaha dagaalka iyo goobaha muhiimka ah ee amniga.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan howlaha adag ee ay bulshada u hayaan, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay garab taagan yihiin ciidamada u taagan difaaca deegaannadooda, dadkooda iyo sugidda nabadgelyada.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii xoojiyaan feejignaanta, wada shaqeynta iyo diyaar garowga, si looga hortago isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Booqashada Hoggaamiyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada Maamulka Koonfur Galbeed ee lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada maamulka, iyadoo mudnaanta la siinayo sugidda amniga, taageeridda ciidamada iyo ilaalinta shacabka.

Booqashadan ayaa sidoo kale muujineysa garab istaagga Maamulka Koonfur Galbeed uu u hayo ciidamada ku sugan furimaha, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xaqiijinta xasilloonida magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku xeeran.