Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqday Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee SoDMA

Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle.

Booqashada Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku soo beegantay xilli dalka Soomaaliya uu wajahayo xaalado bani’aadannimo oo u baahan gurmad iyo diyaar-garow joogto ah, gaar ahaan iyadoo ay jiraan digniino iyo saadaallo la xiriira roobab xooggan, fatahaado iyo khataraha ka dhalan kara xaaladda cimilada ee El Niño.

Intii uu socday kulanka labada dhinac, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka, baahiyaha ka jira deegaanada kala duwan, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha gurmadka degdegga ah iyo diyaar-garowga looga hortagayo saameynta ay keeni karaan roobabka iyo fatahaadaha.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Sheekh Aadan Madoobe uga warbixiyay howlaha iyo dadaallada ay Hay’addu waddo, gaar ahaan qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo xaaladaha degdegga ah ee la filan karo. Waxa uu sidoo kale ka hadlay xaaladda bani’aadannimo ee guud ahaan dalka iyo warbixinadii ugu dambeeyay ee la xiriira saadaasha El Niño iyo tallaabooyinka ay SoDMA qaadday si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyadu yeeshaan isku-xirnaan iyo wada-shaqeyn joogto ah, si marka ay dhacaan musiibooyin dabiici ah loo helo jawaab degdeg ah oo wax ku ool ah, loona gaarsiiyo bulshada gurmadka ay u baahan yihiin.

Dhankiisa, Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in ay jiraan dad badan oo nugul oo u baahan in si gaar ah loo ilaaliyo loona gaarsiiyo adeegyada iyo gargaarka muhiimka ah.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo gurmad degdeg ah iyo diyaar-garow buuxa, gaar ahaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo bulshada danyarta ah, kuwaas oo si weyn ugu nugul saameynta roobabka, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee bani’aadannimo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in bulshada lagu wacyigeliyo khataraha ka dhalan kara roobabka culus iyo daadadka, iyadoo la qaadayo tallaabooyin looga hortagayo khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ay sababi karaan musiibooyinka dabiiciga ah.

Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda ugu diyaar-garoobaan khataraha ka dhalan kara roobabka iyo daadadka la xiriira El Niño. Waxa uu bulshada kula dardaarmay inay ka fogaadaan goobaha ay biyuhu maraan, meelaha hoose iyo dhulka kale ee halista ugu jira fatahaadaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada.

Booqashada ayaa kusoo dhammaatay is-afgarad ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta, xog-wadaagga iyo isku-xirka hay’adaha gurmadka, si bulshada Soomaaliyeed loogu diyaariyo xaaladaha degdegga ah ee soo wajihi kara dalka.