Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Konfur Galbeed

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta guddoomiyey kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta adeegyada bulshada, hirgelinta mashaariicda dowladda iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo dardargelin lahaa qorshayaasha dowladda ee la xiriira amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada.

Intii uu kulanku socday, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo soo bandhigay xaaladda guud ee amniga, guulaha ay ciidamada ammaanku ka gaareen sugidda nabadgelyada iyo tallaabooyinka lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha amniga qalqal geliya. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan howlgalada lagu xaqiijinayo xasillooni iyo amni waara, si shacabka ay ugu noolaadaan jawi nabdoon.

Golaha ayaa sidoo kale si qoto dheer uga dooday dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa la xiriira adeegyada bulshada, caafimaadka, waxbarashada, biyaha, waddooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Waxaa la isla gartay in la kordhiyo dadaallada lagu xaqiijinayo in mashaariicdaasi ay ku hirgalaan waqtigii loogu talagalay, isla markaana si hufan looga faa’iideeyo bulshada ku nool deegaannada maamulka.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira qeybo ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo ay saameeyeen abaaraha, isbeddelka cimilada iyo duruufaha nololeed ee adag. Golaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo gurmadka loo fidinayo dadka nugul, iyadoo la kordhinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah si loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah dadka u baahan.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, lagu xoojinayo amniga iyo lagu dardargelinayo fulinta qorshayaasha horumarineed. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso sugidda nabadda, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo xoojinta dowladnimada, si shacabka Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo tayo leh iyo horumar waara.