Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada maamulka, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta taageerada howlgalada socda ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa lagu falanqeeyey xaaladda amni ee deegaannada maamulka iyo muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlgalada ay ciidamada qalabka sida ku wajahayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale xoogga la saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo ciidamada amniga, si loo helo natiijooyin waara oo wax ka tara sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo taageerada dowladda ee ciidamada ku jira howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya difaaca shacabka, ilaalinta hantidooda iyo xaqiijinta amniga deegaannada maamulka.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay baahida loo qabo in la dardargeliyo howlgalada socda, lana xoojiyo isku-duwidda hawlaha hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo qorshayaasha lagu sugayo amniga, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo taageeridda ciidamada ku howlan howlgalada iyo sidii loo ilaalin lahaa shacabka ku nool deegaannada ay saameeyeen falalka amni-darrada.
Golaha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si dhow uga wada shaqeeyaan hirgelinta qorshayaasha amniga, si loo abuuro jawi ay bulshada ku heli karto nabad iyo xasillooni, isla markaana ay dib ugu xoogaystaan hawlaha nolol maalmeedka iyo horumarinta deegaannadooda.
Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab, xoojinta amniga iyo xaqiijinta nabad waarta oo laga hirgeliyo deegaannada maamulka.
Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida iyo hay’adaha dowladda ee ku howlan sugidda amniga, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xoojiyo nabadda, loogana hortago falalka khatarta ku ah nolosha shacabka iyo xasilloonida deegaannada.
Shirkan ayaa muujinaya sida hoggaanka Koonfur Galbeed uu mudnaan u siinayo arrimaha amniga iyo taageeridda ciidamada, iyadoo la doonayo in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta