Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Oo Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladaha guud ee deegaannada maamulka, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta howlaha dowladda.

Intii uu socday shirka, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay xubnaha Golaha Wasiirrada, kuwaas oo soo bandhigay waxqabadka wasaaradahooda, heerka ay marayaan qorshayaasha horumarineed iyo adeegyada kala duwan ee ay u hayaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasiirrada ayaa sidoo kale ka warbixiyay caqabadaha jira iyo dadaallada lagu xallinayo, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo kor u qaadista adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Golaha Wasiirrada ku bogaadiyay dadaallada ay wadaan, isagoo ku ammaanay shaqada ay ka hayaan horumarinta adeegyada bulshada iyo fulinta waajibaadka dowladeed. Waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo hufnaanta shaqada dowladda, isla markaana la dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee wax ku oolka u ah shacabka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha ayaa faray xubnaha Golaha Wasiirrada inay laba jibbaaraan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, xoojinta amniga iyo kor u qaadista waxqabadka hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo gaara dhammaan bulshada ku nool deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kuwaas oo lagu qiimeeyo waxqabadka hay’adaha dowladda laguna dejiyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada iyo maamulka deegaannada Koonfur Galbeed.