Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeybgalay munaasabadda dib-u-daahfurka Qorshaha Isbeddelka Maamulka Koonfur Galbeed ee dib loo eegay, kaas oo loogu talagalay shanta sano ee soo socota, lana hirgelin doono muddada u dhaxaysa 2026 illaa 2031.
Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Maamulka Koonfur Galbeed (STP 2026–2031), kaas oo dib-u-eegis lagu sameeyay, waxaana lagu qeexay jihada guud, himilooyinka iyo mudnaanta maamulka ee shanta sano ee soo socota.
Qorshahan ayaa xambaarsan qorsheyaal iyo mudnaano kala duwan oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo adeegyada bulshada, kobciyo dhaqaalaha, la xoojiyo hay’adaha maamulka, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo deegaannada Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka 2026–2031 uu yahay hannaan muhiim u ah xaqiijinta himilooyinka maamulka iyo sidii shacabka Koonfur Galbeed loo gaarsiin lahaa horumar waara.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in qorshayaasha horumarineed ay muhiim tahay in lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, si loo xaqiijiyo in adeegyada iyo mashaariicda la qorsheynayo ay si toos ah uga jawaabaan baahiyaha shacabka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha maamulka Koonfur Galbeed, bulshada rayidka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, bah-wadaagta horumarinta iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso hirgelinta qorshaha.
Qorshaha STP 2026–2031 ayaa mudnaan gaar ah siinaya xoojinta hay’adaha dowladda iyo maamulka wanaagsan, iyadoo sidoo kale xoogga la saarayo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Sidoo kale, qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa kobcinta fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, taageeridda wax-soo-saarka bulshada iyo abuurista fursado cusub oo dhalinyarada iyo bulshada kale ay uga qeybqaataan horumarka deegaanka.
Dhanka kale, Qorshaha Isbeddelka ayaa muhiimad siinaya xoojinta adkeysiga bulshada, gaar ahaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha bani’aadannimo iyo kuwa la xiriira isbeddelka cimilada, kuwaas oo saameyn ku yeesha nolol-maalmeedka bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Munaasabadda ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaano, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, la-taliyeyaasha Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiintii ka qeybgalay munaasabadda ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub, iyagoo tilmaamay in qorshe mideysan oo si wanaagsan loo hirgeliyo uu muhiim u yahay dardargelinta horumarka Koonfur Galbeed iyo hagaajinta adeegyada loo fidiyo bulshada.
Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in guusha Qorshaha Isbeddelka ay ku xirnaan doonto wada-shaqeynta hay’adaha maamulka, shacabka iyo bah-wadaagta horumarinta, iyo sidoo kale in la helo hannaan hufan oo lagu dabagalo lana qiimeeyo mashaariicda iyo qorsheyaasha la dejiyay.
Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa munaasabadda ka sheegay in maamulka uu ka go’an yahay hirgelinta qorshahan iyo in mudnaanta la siiyo arrimaha si toos ah u taabanaya nolosha shacabka.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u saxiixay Qorshaha Isbeddelka Maamulka Koonfur Galbeed ee 2026–2031, taas oo muujinaysa bilowga wejiga cusub ee qorsheynta horumarineed ee maamulka shanta sano ee soo socota.
Qorshahan ayaa la filayaa inuu noqdo hagaha guud ee lagu saleynayo mashaariicda, siyaasadaha iyo barnaamijyada horumarineed ee Maamulka Koonfur Galbeed muddada 2026–2031