Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta maamulka degmada magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna duqa magaalada Cabdullaahi Cali Watiin.
Ujeedka Kormeerkan ayaa ahaa hubinta habsami u socodka howlaha maamulka degmada, dardargelinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa maamulka iyo shacabka deegaanka.
Intii uu kormeerka ku guda jiray, Hoggaamiyaha ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay masuuliyiinta degmada, kuwaas oo la wadaagay xaaladda guud ee maamulka, adeegyada bulshada, iyo caqabadaha jira, Sidoo kale wuxuu indha-indheyn ku sameeyay xarumaha muhiimka ah ee degmada si uu u qiimeeyo heerka adeeg-bixinta.
Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku bogaadiyay maamulka degmada dadaalka ay ku bixinayaan u adeegidda bulshada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.
Mudane Jabriil Xaaji Cabdi ayaa caddeeyay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay horumarinta maamul wanaagga iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada ee deegaannada hoos yimaada.