Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan Qado Sharaf ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta kulan isugu jiray qado sharaf iyo is-xogwaraysi la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed, kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-tashiga bulshada iyo doorka odayaasha ee nabadda iyo horumarka deegaannada maamulka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo midnimada bulshada iyo iskaashiga dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka oo door muhiim ah ku leh xallinta khilaafaadka, adkaynta nabadda iyo taageeridda dowladnimada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay odayaasha dhaqanka kaalinta muuqata ee ay ka qaateen qabsoomidda doorashooyinka qof iyo cod, xalinta khilaafaadka bulshada iyo garab istaagga dadaallada dowlad-dhiska. Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan mideynta bulshada iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Hoggaamiyaha la wadaagay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan xaaladaha amni iyo bulsho ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta dowladda si loo xaqiijiyo amni, xasillooni iyo horumar waara.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan labada gole iyo dowladda Federaalka iyo tan Koonfur Galbeed, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ku-xigeennadiisa, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo bulshada, gaar ahaan doorka odayaasha dhaqanka ee ku aaddan nabadda, wadajirka iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.