Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir-guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada ee maamulka, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim u ah amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda guud ee amniga deegaannada maamulka, horumarinta ganacsiga iyo Qorshaha Horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed ee shanta sano ee soo socota, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Intii uu socday shirka, xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa falanqeeyay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyagoo ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa sugidda amniga, loo dardargelin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida, loona horumarin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee amniga.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay xoojiyaan wada-shaqeyntooda, isla markaana ay laba-jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara oo saldhig u noqda horumarka, adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay horumarinta ganacsiga iyo kobcinta dhaqaalaha deegaannada Koonfur Galbeed. Waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta ganacsatada, abuurista jawi ku habboon maalgashiga, ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka iyo xoojinta doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay ee kobaca dhaqaalaha.
Qodobka kale ee muhiimka ah ee shirka looga hadlay ayaa ahaa Qorshaha Horumarinta Dowladda Koonfur Galbeed ee shanta sano ee soo socota, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha. Qorshahan ayaa lagu dejinayaa jihada horumarineed ee maamulka, mudnaanta la siinayo adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Qorshaha ayaa sidoo kale muhiim u ah isku-dubbaridka howlaha hay’adaha kala duwan ee maamulka, si loo helo hannaan mideysan oo lagu fulinayo barnaamijyada horumarinta, loona xaqiijiyo in mashaariicda dowladda ay ku saleysnaadaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.
Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa xubnaha Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ku boorriyey inay dardargeliyaan gudashada waajibaadkooda, xoogga saaraan hirgelinta qorshayaasha dowladda, kor u qaadaan tayada adeegyada bulshada, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa horumar dhaqaale oo ay ka faa’iideystaan shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Koonfur Galbeed ee lagu wajahayo arrimaha amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo dejinta qorshayaal muddo-dheer ah oo lagu horumarinayo adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha deegaannada maamulka.