Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-Garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cimilada, saadaasha roobabka iyo tallaabooyinka ay Dowladda Koonfur Galbeed qaadeyso si loo xoojiyo diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta ay roobabka xooggan iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan bulshada ku nool deegaannada maamulka.
Guddiga Heer Wasiir ayaa Hoggaamiyaha u soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshayaasha diyaar-garowga iyo dadaallada socda ee lagu yareynayo khataraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada, gaar ahaan fatahaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka dhasha roobabka culus.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dadaallada wacyigelinta bulshada, kaydinta raashinka iyo dawooyinka, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo isku-duwidda hay’adaha dowladda, maamulka degmooyinka iyo bah-wadaagta samafalka ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Guddiga faray in la dardargeliyo qorshayaasha ka hortagga iyo u diyaar-garowga saameynta El-Niño, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka xooggan.
Hoggaamiyaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, iyadoo la hubinayo in la helo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo loogu gurman karo dadka ay saameeyaan fatahaadaha iyo xaaladaha bani’aadannimo.
Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed ayaa xoogga saaraysa sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, maamulka degmooyinka, bulshada deegaanka iyo hay’adaha samafalka, si loo helo jawaab mideysan oo degdeg ah haddii ay dhacaan fatahaado ama xaalado bani’aadannimo oo la xiriira roobabka El-Niño.
Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso diyaar-garowga musiibooyinka iyo ilaalinta bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo khasaaraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada iyo roobabka xilliyada soo socda.