Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyadoo ay la socdeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Safarka waxaa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallim. Ujeeddada safarka ayaa ahaa qiimeynta xaaladda guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bini’aadannimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaanka.
Intii ay ku sugnaayeen degmada Diinsoor, mas’uuliyiintu waxay kulan la yeesheen maamulka degmada, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo si qoto dheer u dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda dhabta ah ee deegaanka, caqabadaha jira iyo baahiyaha mudnaanta leh ee u baahan in wax laga qabto.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale booqday qaybo ka mid ah degmada si ay ugu kuurgalaan xaaladaha nololeed ee shacabka iyo adeegyada aasaasiga ah, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo amniga, la dardargeliyo adeegyada bulshada iyo in si degdeg ah loo taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Baay.
Safarkan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada ay wadaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku wajahan kormeerka tooska ah ee xaaladaha deegaannada, xoojinta wada-shaqeynta m