Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo xilkii ka qaaday Saraakiil Sar sare

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalkaasi uu si deg deg ah xilka uga qaaday Saddex Sarkaal oo Sarsare, kuwaasoo hoggaamin jiray ciidamada Xoogga.

Kim Jun U-n ayaa laga soo xigtay in arintaan ay qeyb ka tahay horumaradda iyo Isbadeladda ka hana qaaday dalkaasi oo muddo ay saarneyn cuna qabateyn adag.

Dadka Kuuriyada Waqooyi ayaa u arka Mareykanka Cadow,waxaana arrintani ay u muuqataa mid xiriir la leh cabsidaasi,maadaama dhawaanahay ay warbaahinta Dalkaasi ka gaabsatay dacaayadii laga fidin jiray Mareykanka,laguna bedelay wararka ku saabsan kulanka hoggaamiyaasha Labada Dal.

Dadka xilka laga qaaday  waxaa kamid ah Wasiirkii Gaashaandhiga,taliyihii Ciidamada iyo ninka u qaabilsanaa xafiiska guud ee siyaasadda .

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in arintaan ay la xariirto in saraakiishaasi ay kasoo horjeeddaan Burburtinta xaruntii Nucleerka iyo waanwaanta Mareykanka.