Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo guddoomiyey shirka Golaha sare ee Amniga iyo Difaaca SSC-Khaatumo.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed oo uu weheliyo Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Md. Dr. Maxamed Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Golaha sare ee Amniga iyo Difaaca.
Hoggaamiyaha ayaa Golaha ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Amniga iyo Difaaca ee deegaannada SSC-Khaatumo.
Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Saleebaan Barre Geesood ayaa ka warbixiyey xaaladda difaac iyo horumarrada laga sameeyey dib u habaynta Ciidammada qalabka sida, isagoo sidoo kale xusay in ciidanka SSC-Khaatumo yihiin geesiyaal iyo xaq u dirir markasta heegan u ah ilaalinta sharafta iyo karaamada shacabka SSC-Khaatumo.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Sarreeyo Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warbixiyey dedaalada amni sugid iyo adeegyada amni ee ay ku hawlanyihiin Ciidammada kala duwan ee Booliska, isagoona xusay in Booliiska oo kaashanaya shacabka ay si weyn ugu guulaysteen ka hortagga iyo ka dabatagga falalka amni-darro ee wax u gaysanaya bedqabka iyo xasilloonida shacabka.
Intaa kaddib Wasiirka Arrimaha Gudaha, ahna Siihayaha xilka Wasiirka Amniga Mud. Abdisahal Maxamed ayaa ka warbixiyey dhammaystirka shuruucda amni iyo qorshayaasha hortebinta u leh ka Wasaarad ahaan, ku waas oo si weyn u horseedi doona casriyaynta iyo qalabaynta Ciidammada kala duwan ee SSC-Khaatumo.
Ugu danbayn, Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa guddiga uga mahadnaqay shaqada adag ee ay u hayaan dadkooda iyo deegaankooda isago sidoo kalena shacabweynaha reer SSC-Khaatumo ugu baaqay in ay si weyn isu garab-taagaan Ciidammada Difaaca islamarkaana si dhawna ula shaqeeyaan laamaha kala duwan ee Amniga.