Hoggaamiyaha Ururka Towfiiq Sheekh Shaakir oo Soo Gabagabeeyay Socdaalkii uu ku Marayay Galmudug

Hoggaamiyaha Urur Siyaasadeedka Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta gaaray caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb, kaddib safar dhulka ah oo uu kaga soo ambabaxay magaalada Muqdisho, kaas oo uu ku maray degmooyinka kala duwan ee Galmudug.

Sheekh Shaakir ayaa magaalada Dhuusamareeb waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Towfiiq, taageerayaal, odayaal dhaqameed, haween, dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageerada ay u hayaan ururka iyo hoggaankiisa.

Socdaalkan oo qaatay maalmo ayaa Hoggaamiyaha Towfiiq ku tagay dhammaan degmooyinka waaweyn ee Galmudug, isagoo kulamo la yeeshay bulshada iyo taageerayaasha ururka. Intii uu socdaalku socday wuxuu dhageystay aragtiyaha shacabka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si firfircoon uga qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka qof iyo cod.

Sheekh Shaakir ayaa galabta si rasmi ah ugu soo gabagabeeyay socdaalkiisa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo Ururka Towfiiq uu uga qeyb geli doono doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Galmudug. Mas’uuliyiinta ururka ayaa sheegay in socdaalkani uu qeyb ka ahaa ololaha siyaasadeed iyo xoojinta xiriirka ururka uu la leeyahay bulshada ku nool deegaannada Galmudug.

Ururka Towfiiq ayaa ka mid ah ururrada siyaasadeed ee isu diyaarinaya doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Galmudug, iyadoo hoggaanka ururku uu muujiyay kalsooni ku aaddan in taageerayaashoodu ay door muuqda ka qaadan doonaan geeddi-socodka doorashooyinka iyo dhismaha hay’adaha dowlad-goboleedka.