Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug, taas oo qayb ka ah dadaallada hoggaanka maamulka ee lagu horumarinayo hay’adaha dowliga ah, tayaynta shaqaalaha dowladda iyo dhismaha hannaan maamul oo ku saleysan aqoon, karti iyo caddaalad.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xubno kale oo ku lug leh howlaha horumarinta hay’adaha dowladda. Dhismaha xaruntan ayaa muhiim u ah xoojinta shaqada Guddiga Shaqaalaha Rayidka, maadaama ay xaruntu fududeyn doonto gudashada waajibaadka shaqo ee guddiga iyo horumarinta nidaamka maamulka shaqaalaha dowladda.
Hoggaamiye Liibaan Axmed Xasan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in tayaynta iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee hoggaankiisa, isaga oo xusay in la doonayo in la helo shaqaale leh aqoon, xirfad iyo karti ay ugu adeegaan bulshada, isla markaana ka qeyb qaata horumarinta hay’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug.
Hoggaamiyaha ayaa caddeeyey in hannaanka shaqaaleysiinta iyo dallacsiinta shaqaalaha dowladda lagu saleyn doono caddaalad, aqoon iyo kartida qofka, isaga oo tilmaamay in la doonayo in meesha laga saaro hababka shaqaaleysiinta ee ku dhisan nin-jecleysi, eex iyo xulasho qabiil.
Waxa uu intaas ku daray in qof kasta oo doonaya inuu ka mid noqdo shaqaalaha maamulka Galmudug lagu qiimeyn doono aqoontiisa iyo kartidiisa, si loo helo hannaan shaqo oo qof walba siinaya fursad siman, isla markaana dhiirrigelinaya tartan ku dhisan aqoon iyo waxqabad.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshaha lagu doonayo in lagu sameeyo dib-u-habeyn dhinaca maamulka shaqaalaha ah, iyadoo xoogga la saarayo in xilalka iyo fursadaha shaqo lagu saleeyo kartida qofka iyo aqoonta uu u leeyahay shaqada loo igmanayo, halkii ay ka ahaan lahaayeen arrimo ka baxsan shuruudaha shaqo.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Galmudug ayaa u mahadceliyey deeq-bixiyeyaasha taageerada ka geysanaya hirgelinta mashruuca dhismaha xarunta, isaga oo xusay in taageeradoodu ay door muhiim ah ka qaadanayso horumarinta hay’adaha maamulka iyo tayaynta adeegyada dowladda.