Hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya oo soo afjaray dagaalkii xadka

Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afewerki ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo ku salaysan nabadda iyo xiriir saaxibtinimo, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalka Eritrea.

Wasiirka waxaa uu sheegay in heshiis ay qeyb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa Maalgashigga Itoobiya iyo sidoo kale Eritria.

Heshiiska ayaa lagu xusay inuu soo afjarmay dagaalkii uu dhexeeyay labada dal sidda uu sheegay Wasiirku.

Dhanka kale Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika ayaa soo dhaweeyay kulankii  ay yeesheen Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea.

Muddo tobbonaan sanno ah ayaa colaad dhanka xadka ah ay ka dhexeeysay labada dal.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa barta uu Twitter-ka u leeyahay ku ammaanay geesinimada ay muujiyeen labada hoggaamiye.