Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, oo uu wehelinayo Hoggaamiye Ku-xigeenka maamulka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare), ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti-dhowraha Guud ee Galmudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee howlaha maaliyadeed ee maamulka, iyadoo hoggaanka cusub uu warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti-dhowraha Guud oo la xiriiray shaqada hay’adaha maaliyadeed iyo habsami-u-socodka howlaha ay u hayaan maamulka.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulanka ku soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha maaliyadeed ee socda, halka sidoo kale laga hadlay muhiimadda ay leedahay dardargelinta shaqada, kor u qaadista hufnaanta maamulka maaliyadda iyo hagaajinta nidaamyada lagu maareeyo hantida iyo dhaqaalaha maamulka.
Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa kulanka diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha maaliyadeed, si loo xaqiijiyo in howlaha dowladda loo maareeyo si waafaqsan nidaamka maaliyadeed iyo waajibaadka loo igmaday hay’adaha ay khusayso.
Sidoo kale, kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada hoggaanka cusub ee Galmudug uu ku doonayo inuu xog faahfaahsan uga helo shaqada hay’adaha maamulka, qiimeeyo howlaha socda, isla markaana mudnaan u siiyo horumarinta nidaamka dowladnimo iyo tayeynta adeegyada ay hay’adaha dowladdu u fidiyaan bulshada.
Hoggaanka cusub ayaa la filayaa inuu sii wado kulamada uu la yeelanayo hay’adaha kala duwan ee Galmudug, si loo xoojiyo wada-shaqeynta, loo dardargeliyo howlaha maamulka, loona horumariyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay hoggaanka cusub ee Galmudug siinayaan maamulka maaliyadda, isla-xisaabtanka iyo tayeynta howlaha hay’adaha dowladda, kuwaas oo laf-dhabar u ah hirgelinta qorshayaasha maamulka iyo adeegyada bulshada.