Hoobiyaal U Dhacay Gurigi Kuyaala Magaalada Muqdisho oo Khasaare Dhaliyay…

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka ku dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay aagga xarunta madaxtooyada, gaar ahaan dhanka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay guri ay dagan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla xaafadda Sheekh Yuusuf Alkawnayn ee degmadaas sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Telefishinka Somali Cable ayaa faahfaahin ka bixisay dhacdadaasi, waxayan xaqiijisay inay go’go’day hooyada geeriyootay.

“Saaka saaladdii subax marka ay ahayd waxaanu ka war helnay annaga oo jiifna qarax weyn oo meel kasta laga maqlay oo hoobiye ah famil meel deggan ayuu ku dhacay islaan guriga mas’uul ka ah carruurta iyo reerka dhashay buu ku dhacay” ayay tiri.

Dhanka kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay howlgallo baaritaano ah, kadib weerarkaas oo uu bartilmaameedkiisu ahaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.