Hordhac: Arsenal vs Southampton – Wenger & Wiilashiisa Oo Wali Aan Ka Quusan Dadaalka Afarta Sare Ee Horyaalka Premier League.

Arsenal ayaa u baahan iney guuleysato mar walba si ay rajadeeda aan wali xisaab ahaan laga quusan ee afarta sare ugu soo dhawaato, walow rajada ugu badan oo ay Champions League kaga soo qeyb gali karto ay tahay iney hanato Europa League.

Wenger iyo wiilashiisa waxey sidoo kale dagaal u gali doonaan sidii aysan uga dhicin kaalinta 6-aad ee horyaalka maadaama Burnley ay shalay guul ka gaartay Watford isla markaana 2-dhibcood kaliya usoo jirsatay kooxda reer London.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Arsenal vs Southampton

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 4:15 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Arsenal waxaa ka maqan Henrikh Mkhitaryan kaas oo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan seegi doona garoomada sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo laga helayo dhaawac soo gaaray todobaadkii lasoo dhaafay.

Petr Cech ayaa goolka qaban doona maadaama Ospina uu garoomada ka maqnaan doono muddo sadex isbuuc kadib dhaawac soo gaaray.

Aubameyang oo aan ciyaarin Europa League ayaa la dooran doonaa, isagoo kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa laba gool u dhaliyay.

Arsenal: Cech; Bellerin, Mustafi, Chambers, Monreal; Elneny, Ramsey; Ozil, Wilshere, Welbeck; Aubameyang

Southampton: McCarthy; Cedric, Stephens, Hoedt, Bertrand; Hojbjerg, Lemina, Tadic, Redmond; Austin, Gabbiadini

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood waxey aheyd bishii December, waxeyna ku kala baxeen barbaro Austin iyo Giroud ayaa isku jawaabay.

Guud ahaan labadaan kooxood waxey kulmeen 94-jeer, Gunners ayaa 28-jeer guul gaartay, halka Saint ay badiyeen 20-jeer, wiilasha Wenger 22-jeer oo ay gurigooda kula ciyaareen Saint lagama adkaan, waxaa ugu dambeysay 1987.