Hordhac: Besiktas vs Bayern Munich- Tababare Jupp Heynckes & Wiilashiisa Miyey Kusoo Guuleysan Doonaan Ciidda Turkiga?

Bayern Munich ayaa caawa marti ku ah Turkiga waxeyna la ciyaareysaa Besiktas oo ay si fiican ugu soo xasuuqeen kulankii ka dhacay garoonka Allianz Arena, durba waxaa si weyn loo saadaalinayaa in kooxda Bavaria ay iska xaadirisay wareega quarter final-ka tartanka maadaama ay 5-0 kusoo adkaatay lugta hore,

Bayern Munich waxey ku jiraan qaab fiican, shantii kulan ee ugu dambeysay tartanka lagama adkaan, Jupp Heynckes ayaana si fiican isugu agaasimay kooxda kadib markii laga ceyriyay shaqada Carlo Ancelotti.

Si kastaba macalinka khabiirka ah wuxuu ciyaartoydiisa uga digay halis ay kala kulmeen Besiktas, maadaama ay tahay koox gurigeeda joogta sidoo kalan aay u hiilin doonaan jamaahiirteeda.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Bayern Munich vs Besiktas

Tartanka: Champions League

Garoonka: Vodafone Stadyumu

Saacadda: 8:00 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Michael Oliver (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Besiktas iyadoo ay sugeyso shaqo badan hadana waxaa kasii maqan Dusko Tosic iyo Pepe kuwaas oo ka mid ah xidigaha ugu fiican ee kooxda ay heysato, sidoo kalana waxaa ganaax ku seegi doona kulanka Domagoj Vida.

Dhanka kale Bayern Munich waxaa dhaawac uga maqan Kingsley Coman iyo Manuel Neuer, sidoo kalana Corentin Tolisso iyo James Rodriguez ayaa shaki la galinayaa.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bayern Munich ayaa lugtii hore ku badisay 5-0, waxeyna kooxdaan Jarmalka ah masuul ka noqotay sadex ka mid ah lixda jeer ee farqiga ugu badan isku cel-celis ahaan la isaga badiyay taariikhda tartankaan: (12-1 vs Sporting Lisbon 2008-09, 10-2 vs Arsenal 2016-17 iyo 7-0 vs Shakhtar Donetsk 2014-15).

Besiktas waxey lumisay dhamaan sadexdii jeer oo ay tartankaan horay isugu arkeen Bayern Munich isku cel-celis ahaan 9-0 ayaa laga heystaa.

Bayern waxey gaartay semi final-ka tartanka lix ka mid ah sideedii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Beşiktaş: Fabri; Gökhan, Medel, Necip, Adriano; Hutchinson, Tolgay; Quaresma, Talisca, Babel; Negredo.

Bayern: Ulreich; Kimmich, Süle, Hummels, Alaba; Vidal, Thiago; Müller, James, Ribéry; Wagner