Hordhac: Liverpool Vs Man City, Klopp Vs Guardiola-Reds Iyo Sky Blues Oo U Dagaalamaya Kooxda Calanka England Ku Sii Hayn Doonta UEFA Champions League.

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawaynaysa kooxda dhawaan koobka Premier league loo caleemo saari doono ee Manchester City waxayna markii taariikhda ugu horaysay Liverpool iyo City iskaga hor imanayaan kulan UEFA Champions League ah. Kooxaha ree England ayaa u dagaalamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen afar dhamaadka UCl iyada oo midii soo baxdaa noqon doonta kooxda calanka England xambaari doonta ee kali ku noqon doonta.

Xamaasada Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa markale England iyo aduunka laga dareemi doonaa iyada oo ujeedooyin badani kulankan ka dhigayaan mid xiiso badan. Kooxda soo gaadha afar dhamaadka UEFA Champions League ayaa heli doonta lacag ka badan inta ay heli lahaayeen haddii ay u soo wada bixi lahaayeen semi-falka.

Laakiin Liverpool ayaa haysata fursada kaliya ee ay koobka Champions League ugu dagaalami karto maadaama oo ayna wax fursad koobab kale ah haysan halka Man City ay isku soo hubsatay League Cupka isla markaana ay dhawaan hantiyi doonto koobka Premier league.

 Manchester City ayaan sanado tiro badan wax guul ah ku gaadhin Anfield waxaana jira habaar kooxda Sky Blues ka haysta garoonka Anfield laakiin Man City ayaa 5 guuldaro kala kulantay Liverpool 8 kulan ee ugu danbeeyay taas oo muujinaysa sababta uu Guardiola walwalka wayn uga qabo Reds.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa waqti aad kooxdiisa muhiim ugu ah waxa uu waayay xidigo muhiim ah oo seegaya kulanka Man City iyada oo waliba Joel Matip uu qaliin marayo isla markaana uu inta xili ciyaareedkan ka hadhay seegi doono kaas oo ah war aad ugu xun dhagaha jamaahiirta Reds.

Waxa kale oo Liverpool dhaawacyo kaga maqan Joe Gomez , Ada Lallana, Klavan iyo da’yarka Woodburn iyo Brewster oo Liverpool uga diwaan gashan UEFA Champions League. Waxa kale oo uu shaki ku jiraa taam ahaanshaha Emre Can.

Dhinaca Manchester City waxaa kulankan seegaya Sergio Aguero kaas oo awoodi waayay in uu taam buuxa u noqdo kulankan waxaana warkan xaqiijiyay Guardiola waxa kale oo Man City ka sii maqnaan doona Benjamin Mendy kaas oo inta ugu badan xili ciyaareedkan maqnaa halka taam ahaanshaha John Stones uu shaki ku jiro.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Lugta hore ee Siddeed dhamaadka UCl

Kulanka: Liverpool vs Man City

Garoonka: Anfield

Waqtiga:  9:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsoora: Felix Brych (GER)

Halka Aad Ka Daawan Karto: Gool24.net ayaad si toos ah ciyaarta uga dawan kartaa

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Liverpool: Karius; Alexander-Arnold, Lovren, Van Dijk, Robertson; Milner, Henderson, Oxlade-Chamberlain; Salah, Firmino, Mané

Manchester City: Ederson; Walker, Otamendi, Kompany, Laporte; De Bruyne, Fernandinho, D Silva; Sterling, Jesus, Sané