HORDHAC: Real Betis vs Real Madrid- Los Blancos Oo Guul U Baahan

Wax walba oo aad u baahan tahay inaad ogaato kahor inta aysan Los Blancos safar gaaban ku tagin Sevilla, halkasoo kulan katirsan horyaalka Primera Division ku wajihi doonaan kooxda Real Betis.

Real Madrid ayaa kusoo laabaneysa dagaalka La Liga ka dib markii ay guul muhim ah ka gaareen kooxda Paris Saint-Germain kulan ka tirsan Champions League Arbacadii.

Kooxda Zinedine Zidane ayaa 3-1 ku garaacday PSG garoonka Santiago Bernabeu, waxaana talaabo muhiim ah ay u qaadeen wareega 8da tartanka Champions League, inkastoo lugta labaad ay booqanayaan Parc des Princes bisha soo socota.

Los Blancos ayaa si aad ah ugu dhibtooneysa La Liga, iyagoo kujira kaalinta afaraad, waxaana ay 20 dhibcood ka dambeeyaan kooxda hogaanka heysa ee Barcelona ka dib 23 kulan oo horyaalka laga ciyaray.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Estadio Benito Villamarin

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Daafaca Jesus Vallejo ayaa weli dhaawac ka qaba muruqa, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toni Kroos shaki laga qabo xaaladiisa kadib xanuun kasoo gaaray kulankii PSG.

Dani Carvajal oo ganaax ku maqnaa kulankii Champions League ee PSG ayaa soo laaban kara ciyaarta caawa Zidane kooxdiisa booqaneyso Real Betis.

Real Betis ayaa kusoo laabtay wadad guusha, kadib markii ay badiyeen labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka oo ay la ciyaareen Villarreal iyo Deportivo La Coruna.

Kooxda Quique Setien ayaa Real Madrid ku garaacday 1-0 garoonka Santiago Bernabeu horaantii xilli ciyaareedkan, iyadoo tababaraha Betis uu sheegay ka hor kulankaan in kooxdiisa ay heysto fursad markale ay ku garaaci karto Los Blancos.

XAQIIQADA KULANKA

Ka dib markii ay 1-0 ku badiyeen Santiago Bernabeu bishii September 2017, Betis ayaa fursad u heysta inay laba kulan oo xiriir ah ka badiso Real Madrid hal xilli ciyaareed horyaalka La Liga tan iyo 1998-99.

Betis ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, iyagoo ku guuldareystay inay shabaqa ilaashato.

Real Madrid ayaa heysata goolal ka badan kooxaha kale ee La Liga xilli ciyaareedkan, waana 15 gool.

SAFAFKA MACQQUULKA AH

Batis: Antonio Adan; Francis, Aissa Mandi, Marc Bartra, Jordi Amat, Young Firp; Joaquin, Andres Guardado, Fabian Ruiz; Ryad Boudebouz, Loren Moron

Real Madrid:  Keylor Navas,; Dani Carvajal, Nacho, Sergio Ramos, Marcelo; Toni Kroos, Mateo Kovacic, Luka Modric; Marco Asensio, Cristiano Ronaldo, Gareth Bale