Hordhac: Valencia vs Barcelona – Valverde Oo Markaan Xooga Saari Doona Sidii Uu Ku Ilaashan Lahaa Rikoorkiisa Guuldaro La’aanta La Liga.

Barcelona ayaa u baahan iney xooga saarto ilaalinta rikoorkeeda guuldaro la’aanta ee horyaalka La Liga maadaama si layaab leh looga soo reebay koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Valverde wuxuu wajahayaa tijaabo adag, waxeyna soo dhaweyn doonaan galabta kooxda in lala ciyaaro ay dhib badan tahay ee Valencia, xilli Atletico Madrid qudheeda ay dooeyso iney dagaalanto ilaa inta ay suuragalka tahay.

Barcelona lagama adkaan 38-kulan waxeyna barbareysay rikoorka ugu dheer ee u yaalla koox Spain ah, waxeyna galabta dhigi kartaa rikoor cusub oo iyada u gaar ah waase hadii aysan guuldaro kala kulmin Valencia.

Warbixinta Kulanka:

Kulanka: Valencia vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Camp Nou

Saacadda: 5:15 Galabnimo (XGA)

Garsoore: Carlos del Cerro (Spain)

Maxaa Ka Cusub Labada Kooxood?

Philippe Coutinho ayey suuragal tahay inuu caawa kusoo bilowdo walow uusan sharci ahaan kasoo muuqan karin koobka Champions League. Sergio Busquets ayaa taam buuxa ah sida la sheegay walow laga saaray kulankii Roma.

Dhinaca kale Javi Jimenez iyo Francis Coquelin ayaa dhaawacan, mana ciyaari doonaan kulanka ay galabta kooxdooda la ciyaareyso hogaamiyayaasha horyaalka.

Shaxda Macquulka Ah:

Barcelona (4-4-2): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Coutinho, Paulinho, Busquets, Iniesta; Messi, Suárez

Valencia (4-4-2): Neto; Vezo, Garay, Gabriel, Gayà; Soler, Parejo, Kondogbia, Guedes; Zaza, Rodrigo

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Kani waa kulankii afaraad oo ay labadaan kooxood is wajahaan xilli ciyaaredkaan.

Kulankii horyaalka ee Mastella wuxuu kusoo dhamaaday 1-1, halka Barcelona ay laba guulood ka heshay kooxdaan Copa del Rey (isku cel-celis ahaan 3-0)

 

Barcelona ayaa guul heshay 16-jeer, 6-barbaro iyo 6-guuldaro – 28-kulan oo ay Valencia la ciyaartay.

Valencia waxey guul gaartay laba jeer afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqatay Camp Nou, labada jeer ee kalana wey guuldareysatay, 7-gool ayaa laga dhaliyay afartaas kulan.