Horjooge Aadan Dhaayow oo gacanta lagu soo dhigay

Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas kana dhacay Gobolka Baay gaar ahaan Deegaanka Kuunya-buurow Degmada Buur-Hakaba.

Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ciidamada Daraawiishta oo helay xogta xubin katirsan ‘AS’ oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Cali Dhaayow u suuragashay in lasoo qabto isaga oo wata qori nooca loo yaqaan AK47 Isla markaana xiran Tuutaha ciidanka.

Ciidamada Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay howlgallo iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen deegaanno katirsan Gobollada Baay & Bakool.

Saraakiil katirsan ciidamada heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed ee Koofur Galbeed ayaa sheegay in howlgalladaan lagu guulaystay maadaama isu socodka Waddooyinka qaar oo markii hore adkaa haatan nabadgalyo lagu isticmaalo.