Nin lagu magacaabo Cali Maxamed Coloow oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii uu ka soo baxsaday dagaallo iyo howlgallo culus oo Ciidamada Qaranku ka fuliyeen deegaanka Ugunji.
Cali Maxamed Coloow ayaa markii uu isa soo dhiibayay watay qori noociisu yahay AK-47 iyo booshkiisa, isagoo sheegay inuu muddo ka tirsanaa kooxdaasi kana dagaallamay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose. Wuxuu sheegay in dhawaan gurmad ahaan loo geeyay deegaanka Ugunji si uu uga qeyb qaato dagaallada kooxda, balse uu u adkeysan waayay cadaadiska iyo weerarrada joogtada ah ee Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ku hayaan kooxda.
Ninkan isa soo dhiibay ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee kooxda ay aad u adag tahay, isla markaana ay cabsi weyn kala kulmaan howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda. Wuxuu tilmaamay in cabsi, daal iyo nolol xumo ay sabab u noqdeen inuu go’aansado inuu isku soo dhiibo Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale wuxuu sheegay in xubno badan oo ka tirsan kooxda ay ku sugan yihiin xaalad adag, islamarkaana qaarkood ay doonayaan inay isaga baxaan kooxda balse ay ka baqayaan cawaaqibta uga imaan karta. Wuxuu ciidamada dowladda ugu baaqay inay sii laba jibbaaraan howlgallada ka dhanka ah kooxda si loo badbaadiyo dhalinyarada wali ku jirta gacanta Khawaarijta.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhiyay howlgallada ka socda deegaannada Gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda Khawaarijta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay in howlgallada socda ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo soo celinta amniga guud ee dalka.