Horjooge Sare oo tirsanaa Ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka.

Cali Ibraahim Cabdi oo magaciisa Afgarashada Kooxda loo yaqaano (Cali Garabey ) ayaa isku soodhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad.

Cali ayaa khawaariijta u qaabilsanaa jabhada isagoona ka qeyb qaatey Dagaalo ka dhacay Deegaano ka tirsan Gobolada Baay, iyo Gedo.

Wuxuna sheegey in sababta ku kaliftey in Kooxda isaga soo baxo ay tahay Dhibaatada ay u geeysanayaan Shacabka masakiinta ah, gumeysiga dhexdooda ka jira.

Cali ayaa baaq udiray Saaxibadiisa kale ee ku jira As in ay isaga Soo baxaan Kooxda ay isku soodhiibaan Doowlada si ay u helaan kawanaagsan tan hada ay kujiraan.